Muqdisho-RisaalaFM- Qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay Gobolada dalka ee soo gaaray Magaalada Muqdisho iyo Duleedkeeda ayaa iminka waxa ay ka cabanayaan caafimaad daro soo wajahday.
Dadkan ayaa sidoo kale waxaa heysata xaalad adag oo ku aadan dhanka caafimaadka, iyaga oo sheegay in aysan awood u laheyn in ay tagaan goobaha caafimaadka.
Waxa ay sheegeen in aysan heysan qarashkii ay isaga bixin lahaayeen goobaha caafimaadka, loona baahan yahay in arrintaasi gacan weyn laga siiyo.
Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada Hoose iyo Hay’adaha gar gaarka ayay ugu baaqeen in ay gar gaar deg deg ah la soo gaaraan.


