DHAGEYSO: Amaro lagu soo rogay Ganacsatada Baydhabo

Baydhabo-RisaalaFM- Taliska Booliska Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa amaro ku soo rogay Ganacsatada ku nool Magaaladaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo Korneel Mahad C/raxmaan Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Booliska in uu yahay Canshuur ilaaliye, sharci ilaaliye iyo Dhibaato ilaaiye loona baahan yahay in lala shaqeeyo.

Waxa uu sheegay cid kasta oo Baydhabo Ganacsi ku leh, in looga baahan yahay warqadda Canshuur qaadista, cidii aan warqadaas heysana in aysan ku ganacsaneyn Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Korneel Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baydhabo ayaa sheegay canshuurta in ay anfaceyso Qof walba iyo caruurta uu dhalay.

Waxa uu ugu baaqay Ganacsatada Baydhabo inta aan loo imaan in ay soo jartaan warqadda canshuur qaadista, cidii aan sidaas sameyna talaabo adag laga qaadi doono.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku yaalla shirkado waa weyn oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee Ganacsiga, waxaana arintan hada Booliska ka soo yeertay ay noqoneysaa mid dhaxalgal u ah Ganacsatada, maadaama hadii Canshuurtii la bixiyo wadadii saxda aheyd loo isticmaalo ay ka qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka.