Baay-RisaalaFM- Degaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Baay ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa laga soo sheegayay in ay ka jirto xaalad bani’aadanimo oo aad u adag.
Guddoomiyaha Degaanka Goof-gaduud Shabeelow Cumar Xuseen Wardheere oo la hadlay Risaala ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka xilligan ay ku nool yihiin shacabka Degaankaasi.
Waxa uu sheegay Cumar Xuseen Wardheere Guddoomiyaha Degaanka Goof-gaduud Shabeelow hada Degaanka in ay ku soo jabeen dad ka soo barakacay Tuulooyinka ku dhow Degaankaasi.
Warbixinta warkan waxaa Magaalada Baydabo ee xarunta Gobolka Baay inooga soo diray Wariyaha Risaala ee Magaaladaasi Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera).


