DHAGEYSO: Xaalad adag oo ka jirta Qansax-dheere

Qansax-dheere-RisaalaFM- Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay waxaa jira xaalado Abaareed oo aad u daran, kuwaas oo saameeyay Dadka iyo Duunyada ee ku Degmadaasi.

Maamulka Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxa uu sheegay in ay adkaatay sidii gar gaar lagu gaarsiin lahaa Dadka ku nool Degmada Qansax-dheere.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay Cabdulle Xasan Saney oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan cabiyo laga qabo ururka Al-shabaab, maadaama ay ku sugan yihiin wadooyinka laga galo Degmadaasi.

Cabdulle Xasan Saney Gudoomiye ku xigeenka Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay marar badan Shabaab in ay wadada u galeen Gawaari ay lahaayeen Dad Ganacsato ah, kuwaas oo gar gaar u siday Dadka ay Abaarta saameysay.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay Siid Cali Muuse Maxamed ayaa warbixintan inoo soo diray.