Muqdisho-RisaalaFM- Dad badan ayaa u qaadan waayay kadib markii ay arkeen Muuqaal cusub oo laga soo duubay xaafad lagu magacaabo Chelsea Village oo laga hirgeliyay Magaalada Muqdisho, laakiin aanan laga dhisin xeendaabka dadka caadiga ah ay isaga kala gooshaan.
Xaafadan cusub ee Chelsea ayaa waxa ay ku taalla xarunta Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee ay degan yihiin Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Dhulka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ka degan yihiin Muqdisho ee Xalane, sidoo kalena ay ku sugan yihiin safaarado reer Galbeed ah ayaa ah dhul balaaran oo hada u muuqata in reer Galbeedka ay ka yagleelayaaan xaafado cusub oo iyagu u gaar ah, ayna isticmaali karaan dadka ku jira xeendaabka Xalane.
Muuqaal Vedio ah oo laga soo duubay xaafadan cusub ee Chelsea ayaa waxa ay reer Galbeedku ku xayeysiinayaan Ganacsi cusub oo ay ku sameysteen halkaasi oo ku aadan in dadka ay u soo dalxiisi tagi karaan.
Qaar ka mid ah shaqaalaha xaafada Chelsea ayaa xayeysiin u sameynaya xaafadan cusub ee ay ka yagleeleen xerada Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna xaafadan kaabiga ku heysaa Xeebta.
Su’aasha dad badan ay isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay hadii reer Galbeedku Magaalada Muqdisho ka dhisayaan xaafado cusub oo ay ugu magac dareen kooxo ka dhisan dalalka Yurub, maxaa diidaya in dadka Soomaaliyeed ay sameeyaan xaafado la mid ah kuwa reer Galbeedku ay ka dhiseen Magaalada Muqdisho.
Magaca xaafada Chelsea ayaa u muuqda mid laga soo min guuriyay Magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska, halkaasi oo ay ku taallo xaafad loogu magac daray Chelsea.
Chelsea waa koox ka dhisan dalka Ingiriiska oo ciyaarta kubadda Cagta, waxaana taageera dad kala duwan oo aduunyada ku kala nool, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Soomaalida ku nool Dalkan Soomaaliya.
W/D:- Feysal C/laahi Maxamuud



