Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweenaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo maanta Muqdisho kula kulmay xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo Odayaal dhaqameed ayaa wuxuu kala hadlay xaaladaha maamulka Galmudug, gaar ahaan arrinta la xiriirta Khilaafka Galmudug iyo Ahlusuna.
Xaaf ayaa Odayaasha dhaqanka ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo dhameyn lahaa mad madowga ka dhexjira dhinacyada Galmudug iyo Ahlusuna.
Wuxuu sheegay Gobolka inuu kala maqan yahay, muhiimna ay tahay in la mideeyo, taasina ay tahay mid dhib ah, wuxuuna tilmaamay in hada uu dhow yahay wada hadalka labada maamul, oo hada meel wanaagsan ay wax marayaan.
Xaaf ayaa sheegay in degaanada Galmudug aan laga xoreyn Karin ururka Al-shabaab, ilaa Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ay ka heshiiyaan, taasina ay muhiim u tahay shacabka ka soo jeeda degaanada Galmudug.



