Muqdisho-RisaalaFM- Wiil uu dhalay C/kariin Qalbi-Dhagax ayaa baaq u diray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), kadib markii uu maanta ka soo muuqday banaanbax ka dhacay Muqdisho.
Wuxuu sheegay Aabihiisa in Madaxweyne Farmaajo uu qabtay maalin Arbaco ah, taasi bedelkeeda ayuu sheegay in Madaxweynaha uu ka dalbanayo in Aabihiisa loo soo daayo.
“Maalin Arbaco ah ayuu Farmaajo qabtay Aabaheyga, ilmihiisa ma ogolo in la waxyeeleeyo, waxaana ka codsanaa in Aabaheyga uu ii soo daayo”. Ayuu yiri Wiilkan yar.
Dhanka kale xaaska C/kariin Qalbi-dhagax Xamdi Maxamed Cabdi ayaa sheegtay arrintan heysato aweed in aysan cunto cunin laba maalmood, waxayna Madaxda Dowladda ka dalbatay in C/kariin laga soo saaro gacanta Itoobiya.
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayay jabhadda ONLF xaqiijisey in uu ka mid ahaan jirey ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, isaga oo sannadkii 1984-tii ku dhaawacmay magaalada Galdogob dagaal Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray.



