DHAGEYSO: Waxyaabihii laga bartay Caleemo Saarkii Madaxweynaha

Muqdisho-RisaalaFM- Waxa ay ahayd Munaasabad ay ku kulmeyn Madax Caan ka ah Wadamada Afrika iyo kuwa Caaan ka ah Siyaasada Soomaaliya.

Waxa ay ahayd Munaasabad si Cajiib ah loo soo agaasimay oo hab maamuuskeedu uu aad u sareeyay, Waxa ay ahayd Munaasabad kulmisay Siyaasiyiin bilooyin ka hor aan isku siyaasad ahayn oo Warbaahinta isku marin jiray hadalo uu midbo midka kale dhaliishiisu ku soo sheegayo.

Khudbadaha ay jeediyeen dhammaan Madaxdii ka qeyb gashay Munaasabada waxa ay ahaayen kuwa qoran oo laga dheehan karo Miisaanka Masuul walbo iyo Kaalinta Dowladda iyo Ururka uu matalayo uu ku yeelanayo Dowladda Cusub.

Munaasabada Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa ka soo qeyb galay Wakiilo  ka socday in ka badan boqol, Madaxweynayaasha Dowladdaha Kenya iyo Jabuuti iyo sidoo kale Ra’isal Wasaaraha Dalka Itoobiya.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh ayaa si Wadajir ah u sheegay in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub, uguna baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hoggaanka Cusub ee Soomaaliya.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynaha Dowladda Jabuuti ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu isbadal la yimaado maadaama sida uu sheegay Shacabka Soomaaliyeed ay kalsooni iyo dareen wanaagsan ay u muujiyen.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Munaasabada ka sheegay waxyaabaha ugu horeeyo ee Dowladdiisa ay qabaneyso.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay usoo celin lahaayeen Kalsoonida shacabka ee ku aadan taageerada Dowladda.

W/D:- Axmed Cabdi Cali