Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanada maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyay Ra’iisulwasaaraha Dowladda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Waxgaradka ayaa Ra’iisulwasaaraha ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo ergooyinka loogu tala galay in ay doortaan xubnaha Aqalka Hoose u matali doona deegaanada maamulka Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee deegaanada maamulka Puntland ayay ugu baaqeen in ay faraha kala baxaan ergooyinka soo dooranaya xubnaha Aqalka Hoose.
Waxaa soo baxaaya khilaaf xoogan oo ka imaanaya Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo ku aadan sida loo qeybsanayo xubnaha Aqalka Hoose , ergooyinka soo dooranaya.


