FBI-da oo baaritaan labaad ku haysa Hillary Clinton

Agaasimaha hay’adda dambi baarista Maraykanka ee FBI-da, James Comey, ayaa sheegay in hay’addu dib u furayso baadritaankii ay ku haysay emaillada Hillary Clinton, waxaana uu sheegay in baarayaashu heleen emaillo cusub.

Warqadda agaasimaha FBI-du u diray xubnaha Congress-ku may ahayn mid faahfaasan. Waxa keliya ee uu ku sheegay ayaa ahaa in emaillo cusb la helay kuwaas oo xidhiidh la yeelan kara baaritaanka.

Waxa la sheegayaa in emailladan si lama filaan ah ay uga soo baxeen baaritaan kale oo lagu wadey Anthony Weiner oo ah ninka ay u dhaxday Huma Abedin oo ah haweenay kaaliye u ahayd Hillary Clinton.

Agab leeyihiin Ms Abedin iyo ninkeeda Weiner oo ahaa xubin eedo dul hoganayaan oo hore uga tirsanaan jiray Congress-ka lagana soo dooran jiray New Yok, ayaa ay FBI-du la wareegtay si ay u baadhaan bal inuu uga diray emaillo shukaansi ah gabadh yar oo shan iyo toban jir ah oo ku nool gobolka North Carolina.

Iyadoo hadaba ay xaaladdu sidaa tahay oo qoraalladan la helay aanay si toosa uga soo bixin emaillada Mrs Clinton, ayaa Donald Trump wuxu hadan ammaanay baaritaankan cusub ee ay FBI-du wadaan waxaanu u sheegay taageerayaal xamaasadaysan oo uu la hadlayey in hab dhaqanka haweenayda ay loollamayaan halis geliyey nabadgelyada Maraykanka.

Hadaba waxa muuqata in iyadoo kow iyo toban maalmood oo keli ahi ka hareen maalintii doorashada, in uu isku dayey inu ka faa’iidayso fadeexaddan ugu dambaysey ee soo baxday si uu bal u yareeyo farqiga u dhaxeeya isaga iyo Clinton ee ah tirada taageerayaasha.