Kabtanka kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa qarka u saaran inuu kusoo bilowdo kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka England Premier League galabta muddo bil ah ka dib, iyadoo tababare Jose Mourinho uu daaha ka qaaday in midkoodna isaga iyo kabtankiisa aysan meelna uga socon Man Utd.
Tababare Mourinho ayaa sidoo kale beeniyey wararka sheegaya in uusan ku faraxsaneyn nolosha magaalada Manchester, wuxuuna daaha ka qaaday in xiddiga ugu waqtiga dheer ciyaartoyda haatan u ciyaarta Manchester United ee Rooney uu keliya kooxda ka tegi karo haddii uusan keydka ku qanacsaneyn.
Wuxuuse daaha ka qaaday in laga yaabo inuu Wayne Rooney booska ka bedelo Zlatan Ibrahimovic marka ay galabta wajahaan kooxda Burnley, wuxuuna Mourinho ku adkeysanayaa inuu Wazza weli ka mid yahay qorshihiisa inkastoo uu 31 sanno jirsaday Isbuucaan.
“Gabi ahaanba wararka xanta ah ee sheegaya inuu ka tegayo Manchester United waa waxba kama jiraan – meelna uma socdo Wayne Rooney,” ayuu saxaafadda u sheegay Mourinho. “Waa 31 sanno jir, laakiin waan ogahay inuu ka ciyaari karo heerka ugu sarreeya”.


