Wararka saaka naga soo gaaraya Magaalada Qandala ee gobolka Bari oo dhawaan ay la wareegeen kooxda Daacish ayaa lagu soo waramaya in halkaasi ka barakaceen dad aad u farabadan , kuwaa soo ka cabsanaya in ay ku dul dagaalamaaan ciidanka maamulka Puntland iyo sidoo kale kooxda Magaalada la wareegtay maalmo ka hor.
Tuulooyinka u dhaxeeya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari iyo sidoo kale degmada Qandala ayaa waxaa soo gaaray dad aad u badan kuwaa soo caruurtooda kala soo cararay kooxda la wareegtay Qandala.
Magaalada Qandala ayaa waxa ku haray dad fara ku tiris , waxaana kooxda Daacish ay Magaalada ka sameysatay dhufeysyo waa weyn sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dadka deegaanka.
Degmada Qandala ayaa waxaa dhawaan qabsaday koox sheegatay in ay ka tirsanyihiin ururka Daacish ee ka dagaalama Suuriya iyo Ciraaq.


