Madaxweynaha Puntland oo Maanta hortagaaya Baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa in xildhibaanada baarlamaanka Puntland  ay su’aalo ka  weydiiyaan xaaladaha kala duwan ee deegaanada maamulka Puntland.

Arimaha Madaxweynaha wax laga weydiin doono waxaa ka mid ah xiisada ka dhex jirta waxgaradka Puntland ee ku aadan ergooyinka dooranaya xildhibaanada Aqalka Hoose, dagaalka Magaalada Gaalkacyo , Qabsashada kooxda Daacish magaalada Qandala.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu furo kala fadhiga mudanayaasha baarlamaanka maamulka Puntland oo bilooyinkii lasoo dhaafay hakad ku jiray.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa Madaxweynaha  horay ugu eedeeyay in  uu jabiyay dastuurka maamulka Puntland.

25-kii bishan October ay ahayd  Markii Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu isku dayay in uu  furo kalfadhiga baarlamaanka laakiin Mudanayaashu  ay diideen in uu Madaxweyne kuxigeenku furo kalfadhiga ayna sheegeen in ay  u baahan yihiin Madaxweyne  Gaas.