Wasiirka Wasaarada Waxbarashada dowladda Soomaaliya ayaa Cabdiqaadir Cabdi Xaashi ayaa shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta uga qeyb galay Magaalada Camaan ee dalka Jordan.
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in shirka sanadkaan looga hadlaay Tayeynta imtixaanada.
Cabdiqaadir Cabdi Xaashi ayaa sheegay in wasiirada Waxbarashada ee dalalka Jaamacadda Carabta uu kala hadlay tayeynta waxbarashada Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale xusay in dalalka Jaamacadda Carabta uu ka codsaday in ay taageeraan ardayda Soomaaliyeed ,islamarkaana ay siiyaan deeqo waxbarasho.
Shirkaan ka dhacay magaalada Camaan ee dalka Jordan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay qaado imtixaanada dugsiyada sare labadii sano ee lasoo dhaafay.


