Wasiirka warfaainta maamulka Khaatumo state Axmed Xaaji Cali oo waraysi siiyay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalada u dhaxeeya maamulada Soomaaliland iyo Khaatumo State.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in soomaaliland ay kicineyso xiiisadaha dagaal ee ka socda degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.
Iyadoo dhanka kalana uu baaq u diray in labada dhinac ee halkkaasi ku dagaalamaya ay joojiyaan rabshadaha iyagoo fiirinaya shacabka ku nool deeganada ay colaada ka socoto.
Halkaan ka dhageyso codka wasiirka Khaatuma State


