Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta Xildhibaanada hortagay.
Wasiirka ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay Hindise sharciyeedka hab maamulka Maaliyadda oo ay Wasaaradiisu soo diyaarisay.
Wasiirka ayaa sheegay in Sharcigaan uu yahay mid muhiim u ah dalka isla markaana Xildhibaanada laga doonayo iney Wasaarada u fududeeyaan meel marinta sharcigaan.
Waxaa uu sheegay in hadii Xildhibaanada ay Ansixiyaan Sharcigaan uu waxbadan uu ka badali doono hanaanka Maaliyadda Soomaaliya.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu hagaajinaayo hanaanka Maaliyadda.



