Dhageyso:-Wasiirka Dekadaha oo sheegtay inay diyaarineyso shuruucda Gaadiidka Badda

Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay  qabaneysa kulan muhiim ah oo looga hadlayo shuruucda gaadiidka badda,kulankaas oo ay ka wada qeybgeli doonaan Wasaaradaha Gadiidka ee dowlad goboleedyada.

Wasiirka  Dekadaha iyo gaadiidka badda ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in kulankaas lagu diyaarin doono shuruuc lagu maamuli doono gaadiid badeedka,isla markaana dhawaan uu qabsoomi dono.

Waxaa ay sheegtay in uu jiro wadashaqeyn ay la leeyihiin Maamul goboleedyada,sidoo kalena dhawaan dib u dhis lagu sameyn doono dekadda Magalada Hobyo ee Gobolka mudug.

Dowladda Qatar ayay sheegtay inay qeyb weyn ku yeelan doonto dhismaha dekadda Magalada Hobyo,isla markaana Qalabkii lagu dhisi laha dhawaan dalka dibadiisa laga keeni doono.

Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadashay xiriirka Wasaaradda kala dhexeysa Gaancsatada Soomaaliyeed ee wax kala soo dega dekadaha dalka ku yaalla.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka  Dekadaha iyo gaadiidka badda ee Xukuumadda Soomaaliya.