DHAGEYSO: Wasiirka cusub ee Difaaca oo ka hadlay dagaalka Shabaab

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Faahfaahin ka bixiyay qorshaha uu doonaayo in uu ku wajaho dagaalka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay  in ay ka go’an tahay ciribta Al-Shabaab iyo sidoo kale wadashaqeyn buuxda oo dhexmarta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay dhiiri galin doonaan dhamaan ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed si aysan ciidanka uga niyad jabin hawgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in la xoojin doono duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka ay ka waddo Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa shalay xilkaan loo magacaabay, wuxuuna Wareysiga uu kaga hadlaayay shaqada cusub ee loo dhiibay uu siiyay Idaacada VOA.