DHAGEYSO: Wasiirka Amniga oo gaaray goobtii lagu soo bandhigayay Raggii la dilay

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa gaaray goobtii Ciidamada Ammaanka ay ku soo bandhigayeen, labadii nin ee maanta lagu toogtay Degmada Wadajir, kuwaasi oo la sheegay in ay tuurayeen Hoobiyeyaal.

Ciidamada ayaa markii hore waxa ay toogteen mid ka mid ah raggaasi, halka mid ka kalena uu galay Guri halkaasi ku yaallay, iyada oo ugu dambeyn Ciidamada ay toogteen.

Ciidamada ayaa sidoo kale qabtay gaarigii hoobiyaha laga tuuray, waxaana daqiiqado kadib Qarxay Gaariga, kaasi oo markii horeba la soo saaaray walxaha Qarxa.

Wasiirka Amniga Soomaaliya  Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay raggan in ay ahaayeen kuwo in badan Hoobiyeyaasha ka tuurayay Degmada, laguna raag joogay.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka raggan mid ka mid ah in uu dilay Xoghayihii Degmada Wadajir C/raxmaan iyo labo ka mid ah ilaaladiisa oo lagu dilay Degmadaasi.

Wasiir Islow ayaa sidoo kale Ciidanka ammaanka ku ammaanay qaabka ay Howlgalkan u fuliyeen, isaga oo shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada.

Waa markii ugu horeysay oo Ciidanka ammaanka ay Magaalada Muqdisho ku dhex toogtaan xubno ka tirsan Shabaab, xilli ay Madaafiic ku garaaceen qaybo ka mid ah Magaalada.