DHAGEYSO: Wasiir Islow oo xariga ka jaray Hab-raac cusub “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxmed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray hab-raaca cusub ee qaadashada Baasaboorka Soomaaliya.

Wasiirka oo maanta kormeer guud ku sameeyay xarunta bixinta Baasaboorada Soomaaliya ayaa mid mid u kormeeray xafiisyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Sida Xafiiska Hubinta Muwaadinimada, Xafiiska Qadashada basaboorka, Xafiiska Daabacaada, Xafiiska Keydka, iyo Xafiiska Shaqada iyo shaqaalaha.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaae) ayaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxmed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa Hay’adda Socdaalka waxa uu uga mahadceliyay Barnaamijkan cusub ee ay soo kordhisay.

Hab-raacan cusub ee qaadashada Baasaboorka ayaa ah mid lagu kontoroolayo dadka qaadanaya Baasaboorka in ay yihiin dadka xaqa u lahaa iyo sidoo kale in dib loo soo celiyo sharafta Baasaboorka.

 

socdaalka 1

socdaalka 2

socdaalka 3

socdaalka 4

socdaalka 6

socdaalka 8