Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig ayaa waxa uu sheegay in dalka aysan shaqo la’aan ka jirin laakiin qaabka shaqooyinka loo maareeyo uu qalad badan ka jiro.
Waxa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha in shaqooyinka jira aan la siin dhalinyarada wax ku bartay dalka.
Arintan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa iyadoo dhalinyaro badan shaqo la’aanta iyo waliba daruufaha ka jira dalka ay ku kalifeen in ay wadanka isaga baxaan iyagoo raadinaya nolol ka duwan nolosha Soomaaliya.
Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ilaa 200 oo ruux waxa ay ku geeryoodeen biyaha udhaxeeya wadamada Masar iyo Talyaaniga xilli ay doonayeen in ay galaan wadamada Yurub.


