DHAGEYSO: Wasiir Odowaa oo wali la shirsan waxgaradka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in magaalada kulamo ay ku yeesheen wafdiga uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha dowlada Soomaaliya C/raxmaan Odowaa iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

Kulamada oo ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa waxgaradka oo aan la hadalnay ay sheegeen in kulamada gaar la isku fahmi waayay, balse ay wali jiraan kulamo kale oo u dhaxeeya wasiirka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa sheegay in wasiirka arimaha gudaha ay u gudbiyeen sida ay doonayaan in loo maro dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe oo ah mid ka duwan qaabka wasaarada arimaha gudaha ay dooneyso.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maalmahaan ay socon doonaan latashiyada ay sameynayaan waxgaradka gobolka Hiiraan, maadaama ay iyaga diidan yihiin qaabka loo wajahay dhismaha maamulka.

Waxgaradka waxay ka caroodeen qaabka loogu qeybiyay ergooyinka shirka ka qeyb galaysa.