Wasiirka arrimaha Gudaha Iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa waxa uu sheegay in Dowladda diyaar u tahay la hadalka cid kasta oo ka feker duwan.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in dalkaan ay wada leeyihiin dadka Soomaaliyeed, islamarkaana ay dowladda doonayso in ay qanciso cidwalba oo tabasho qabta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xataa ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan kuwa dowladda xabaddaha kusoo ridaya.
Juxaa ayaa sheegay Dib u heshiisiinta inay tahay doorka ugu muhiimsan ee Dowladda dhexe ay ahmiyada siinaysa, si hadafkaasi loo gaarina Dowladda ay albaabada u furtay dadka oo dhan si loo wada hadlo.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid Iyadoo uu taagan yahay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Maamul Goboledyada dalka ka jira iyo Dowladda dhexe ee dalka.



