Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu ku qaabilay xubno ka socday Qaramada Midoobay iyo Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya.
Kulanka oo socday mudo kooban ayaa waxaa looga hadlay Hormarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Soomaaliya, sida ay Masuuliyiinta u sheegen warbaahinta,
Wasiir Jamaal ayaa safiirka iyo xubnaha kale waxa uu u sheegay in Wasaaradda ay dhiiragelineyso Maalgashiga Soomaalida qurbaha iyo Ajaanibta ay ku sameysan karaan gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya waxa uu kala hadlay hirgelinta qorshaha Qaranka oo hada meel hagaasan maraya.
Ugu dambeyntii Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa warbaahinta u faah faahiyay muhiimada iyo waxyaabihii looga hadlay kulanka uu la qaatay xubnahan ka socday Qaramada Midoobay iyo Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya.



