Boosaaso-RisaalaFM- Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga Maamulka Puntland C/raxmaan Jaamac Kulmiye ayaa faah faahin ka bixiyay Kalluumeysiga sharci darada ah ee ka socda Degaanada Puntland.
Waxa uu sheegay in ay jirto mararka qaar Maraakiib si sharci daro ah uga Kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Puntland, isaga oo sheegay Puntland in ay ka warqabto Maraakiibta sida sharci darada ah uga kalluumeysta Degaanada Puntland, taasina aan loo dulqaadan doonin.
Sidoo kale C/raxmaan Jaamac Kulmiye Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga Maamulka Puntland ayaa sheegay Maraakiibtan in ay ku dareen Rag kor kala socda, dhaq dhaqaaqa ay sameynayaan.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga Maamulka Puntland C/raxmaan Jaamac Kulmiye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay Puntland in 11 Markab ay siisay Shati ama Ruqsad ay uga Kalluumeysan karaan xeebaha Puntland.


