DHAGEYSO: Gaas oo amaanay Ciidanka Puntland

Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku amaanay Ciidamada Badda Puntland doorkii ay ku lahaayeen soo furashada Markab u afduubnaa Koox ka tirsan Burcad Badeeda Soomaalida, kaasi oo lagu heystay Degmada Caluula ee Gobolka Bari.

C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ku faanay Ciidanka Puntland in ay door ku lahaayeen soo furashada Markabka ARIS 13.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay Tababarada iyo qalabeynta Ciidanka Badda Puntland in ay ka helaan Dowladda Imaaraadka Carabta, ayna u mahadcelinayaan.

Wararka qaar ayaa sheegayay soo furashada Markabkaasi in ay ka dambeysay wada hadal ay yeesheen kooxda yar ee Afduubatay Markabka iyo Odayaasha Degaanka, taasina ay sababtay in la sii daayo Markabka.

Markabka laga soo furtay kooxda Burcad Badeeda Soomaalida oo sida Shidaal ayaa u soo socday Magaalada Muqidsho, xilligii Afduubka lagula dhaqaaqayay.