DHAGEYSO: Wasaaradda amniga oo ka hadashay Qaraxyada Muqdisho ka dhacay

Muqdisho-Risaala FM- Wasaaradda amniga ayaa ka hadashay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee khasaaraha kala duwan ka dhashay, kuwaasi oo masuuliyadooda ay sheegteen Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda amniga gudaha C/kaamil Macalin Shukri ayaa u sheegay Warbaahinta in qaraxa koowaad ay fashiliyeen ciidamada dowladda, kadib markii askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa Koontaroolka Warshada Nacnaca Degmada Wadajir uu rasaaseeyay gaarigaasi.

Gaariga Qarxay, ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka Shabellaha hoose, waxaana halkaasi ku dhaawacmay saddex ruux oo la socday gaari Cari gadis ah.

Qaraxa labaad ee caasimada ka dhacay ayuu sheegay Afhayeenka Wasaaradda amniga gudaha in Shabaab ay la eegteen Hotelka Wehliye, halkaasina ay ku laayeen dad shacab ah.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa sidoo kale sheegay maalmihii dambe inay jireen rag badan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Somaliya, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya baaqii Madaxweynaha Somaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa ka dhacay Hotelka Wehliye, waxayna sheegeen inay halkaasi ku dileen Saraakiil ka tirsan Sirdoonka dowladda sida ay hadalka u dhigeen.