Wasaarada amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hub, gaadiid iyo ragii watay oo loo heysto in ay ka dambeeyeen hoobiyaal shalay ku soo dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.
Afhayeenka Wasaarada amniga C/kaamil Shukri Macalin oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in howl gal ay sameeyeen Ciidamada nabad sugida lagu soo qabtay ragaasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in raga ay ciidamada nanad sugida soo qabtay ay ku socdaan baaritaano isla markaana warbaahinta loo soo bandhigi doono baaritaaanada ka dib.
Sidoo kale Afhayeenka Wasaarada amniga ee dowladda Soomaaliya C/kaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in go’aanka ka soo baxay Wasaarada amniga lagu xakameynayo baabuurta yar yar ee aan sharciyeysneyn.
Waxa uu tilmaamay in sidoo kale aan la aqbali doonin hubka sharci darada ah ee lagu dhex wato gudaha magaalada muqdisho.
Shalay ayay ahayd markii 7 hoobiyo oo labo ka mid ah ay khasaaro geysteen ay ku soo dhaceen Xaafado ka mid ah degmada HowlWadaag ee gobolka Banaadir.


