C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiisha amaanka la weydiinayo cidda amartay in baaritaan lagu sameynayo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya marka ay ka duulayaan ama kasoo dagayaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Wasiirka amniga, ayaa si cad u sheegay inuusan jirin amar kasoo baxay xafiiskiisa oo lagu shaaciyay in laamaha amaanka ee garoonka diyaaradaha baaritaano ku sameeyaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay in golaha baarlamaanka Soomaaliya uu horkeeni doono saraakiisha dhanka amaanka marka uu la kulmo kadib natiijada uu kasoo ogaado.
“Waxaan idiin sheegayaa aniga marka warkan soo baxayay dalka maba aanan joogin, laakiin waxaan balanqaadayaa inaan isugu yeero saraakiisha amaanka oo aan weydiiyo cidda amarka siisay, kadibna natiijada ayaan isku soo celinayaa, laakiin aniga amarkaasi maanan bixin”ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay su’aalo dhanka amaanka ah weydiiyay wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya, waxaana sidoo kale la filayaa inuu hortago wasiirka arimaha Dibadda xukuumada Soomaaliya.