DHAGEYSO WAREYSI: Wasiir Beeniyay in Qarax lala beegsaday

Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga dowladda Soomaaliya ayaa Beeniyay in Gaari uu leeyahay lala beegsaday Qaraxii Maanta ka dhacay Irida Hore ee Hoteelka Wehliye.

Maxamed Cumar Ceymooy oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Gaari uu leeyahay uusan goobta oolin ,islamarkaana ay been abuur yihiin Wararka sheegaya in Qaraxaasi lala beegsaday.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in uu Nabad qabo ,islamarkaana uusan joogin goobta ay wax ka dhaceen.

Ka dib Qaraxii Maanta ka dhacay Iridda Hore ee Hoteel Wehliye ayaa waxaa soo baxaayay Warar sheegaya in la qarxiyay Wasiir Ceymooy Gaariisa.