Warar dheeraad ah ayaa soo baxaya Dagaal Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ku dhexmaray xalay Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Number 50, waxaana la iskuna adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Gudoomiyaha degaanka lamabar 50 Cabdulaahi Waafow oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay gubeen tuulooyin dhowr ah oo u dhow degaanka lamabar 50.
Xaaladda degaanadii lagu dagaalamay ayaa Saaka degan.
Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro kala duwan kusoo qaada saldhigyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.



