DHAGEYSO WAREYSI: Nin kufsaday Gabar yar oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada ammaanka Degmada Kaxda ayaa u suura gashay in ay gacanta ku dhigaan nin geystay fal kufsi ah, kaasi oo kufsaday Gabar Todoba sano jir ah, kana mid ah dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Degmada Kaxda.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil C/laahi oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ninka falkaasi geystay in Hay’adaha amniga ay gacanta ku hayaan, baaritaanna lagu hayo.

Waxa uu sheegay Gabadha falka kufsiga ah loo geystay ee Todobo sano jirka ah in hada la geeyay goobo caafimaad, si xaaladeeda caafimaad loo hubiyo.