DHAGEYSO WAREYSI: Nabadoon Xaad oo ka hadlay Dagaalka Gaalkacyo

Nabadoon Xaad oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda Deegaanada Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay colaada Gaalkacyo ka taagan muhiim in ay tahay in la joojiyo, oo labada dhinac ay tanaasul sameeyaan, si shacabka halkaasi ku nool ay u helaan nolol wanaagsan.

Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale wuxuu Dowladda Federaalka ugu baaqay in Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Nabad Sugid, Boolis iyo Militari ay geyso Magaalada Gaalkacyo, si ay u kala dhexgalaan Maamulada halkaasi ku dagaalamaya.