DHAGEYSO: Galmudug “Dagaalo abaabulan ayaa nagula soo qaaday”

Cadaado-RisaalaFM- Maamulka Galmudug oo ka hadlay Dagaaladii ka dhacay Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegay in ay ahaayeen Dagaalo abaabulan oo lagu soo qaaday Maamulkooda.

Galmudug ayaa sheegtay Dagaaladaasi in ay ahaayeen kuwo abaabulan, oo la doonayo in lagu carqaladeeyo Deganaanshaha ka jira Deegaanada Galmudug, iyo in shacabka lagu dhibaateeyo.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cismaan (Masagawaa) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Dagaaladaasi in ay yihiin kuwo gar daro ah, oo Mas’uuliyadooda uu qaadanayo Maamulka Puntland.

Shalay ayay aheyd markii markale Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, kaas oo u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.