DHAGEYSO: Tababar loo soo xiray Ciidamo Boolis ah

Kismaayo-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Tababar ugu soo xiray Ciidamo Boolis ah.

Ciidamadan Booliska ah ee Tababarka loo soo xiray ayaa ka mid ah Maamulka Jubbaland, waxaana tiradooda ay gaareysaa ku dhowaad Labo Boqol oo Askari.

Ciidamadan ayaa Tababarka waxa uu Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose uu uga socday mudo ku dhow Lix Bilood.

General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Ciidamadan kula dar daarmay in ay sugaan Amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Maxamed Sheekh xasan Xaamud ayaa sidoo kale Ciidamadan ugu baaqay in ay la shaqeeyaan shacabka, oo ay mar walba ku dadaalaan sidii loogu adeegi lahaa Bulshada.