DHAGEYSO WAREYSI: Maxaabiis laga sii dayay xabsi ku yaalla Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa cafis Madaxweyne ku sii daayay Maxaabiis fara badan, kuwaas oo ku jiray Xabsiyada Magaalada Kismaayo.

Dadka Maxaabiista ah ee xabsiga laga sii daayay ayaa la sheegay in tiradooda ay gaareyso ilaa iyo 43 ruux, oo qaarkooda ay ka mid ahaayeen Askar ku sugan Magaalada Kismaayo ee ka soo horjeeda Maamulka Jubbaland kuwaas oo hoostaga Bare Hiiraale.

Afhayeenka Booliska Maamulka Jaamac Axmed Xasan oo la hadlay Risaala ayaan arrimahaasi ka wareysanay.