DHAGEYSO WAREYSI: Kulamo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Saacadihii ugu dambeeyay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay kulamo ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble iyo waliba qaar ka mid ah Bulshada oo uu horkacayay Ugaas Xasn Ugaas Khaliif.

Kulamadan ayaa waxaa looga hadlayay sida Maamulkka Hirshabeelle iyo waliba Bulshada Gobolka Hiiraan ay u wada shaqeyn karaan.

Gudoomiye ku xigenka dhinaca arrimaha bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in kulamadan ay yihiin kuwo la isku afgartay.