Waxaa maanta gelinkii dambe Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dhaariyay baarlamaanka cusub ee dowlad goboleedka cusub ee KMG ee HirShabeelle.
Munaasabada Dhaarinta xildhibaanada waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) Mas’uuliyiin ka socotay IGAD, Waxgarad iyo xubno kale, waxaana la dhaariyay 73, mudane, iyada oo tirada maanta hoolka ku xarootay ay gaareysay 80 Xildhibaan.
Wariyaheena Bashiir Cali Daahir oo ku sugan Magaalada Jowhar ayaan arimahaasi wax ka weydiinay.