DHAGEYSO WAREYSI: Waa sidee xaalada Degmada Waajid

Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Hoobiyeyaal xalay lagu garaacay Saldhiga ciidanka dowladda Itoobiya ee degmada ee Waajid ee gobolka Bakool.

Hoobiyeyaashan oo tiradooda ay gaareyso ilaa 5 xabo ayaa Shabaabka waxa ay ku garaaceen fariisin Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Degmadaaasi.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Xasan Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay Shabaabka in ay tiro madaafiic ah ku soo tuureen fariisin Ciidanka ay degan yihiin, sidoo kalena Ciidanka Itoobiya ay jawaab ka bixiyeen Hoobiyeyaasha la soo tuuray.