Pretoria-RisaalaFM- Magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa waxaa xilli habeen ah lagu gubay goob ganacsi oo ay leeyihiin Dhalinyaro Soomaali ah.
Labadan Dhalinyaro oo goobtooda ganacsi lagu gubay ayaa mid ka mid ah uu dhintay, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Bedel, halka Cabdi Shukri oo dhaawac uu soo gaaray lagu dabiibayo goobaha caafimaadka.
Koox Burcad Koonfur African ah oo saqdii dhexe weerar ku soo qaaday Dhalinyaradan ayaa falkan geysatay, waxaana gacanta lagu dhigay Labo ka mid kooxdaasi, kadib dadka degaanka wargeliyeen Ciidamada Booliiska.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxdani qaar ka mid ah ay u dhasheen dalka dariska ee Zambebwe, waxaana socda baaritaanno la xiriira arintani sida uu Booliiska u sheegay Warbaahinta Qaranka.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay arintan, waxaana ay codsadeen in cadaalada la horkeeno raggii ka dambeeyay falkan.


