Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay Suuqa Xoolaha ee degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso.
Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Buurkahaba Dhame Maxamed Ibraahim ayaa u sheegay idaacadda Risaala in Qaraxaasi ay ku dhawaacmeen Labo carruur ah oo ka shaqeynasay Suuqa , islamarkaana ahaa caruurta calaamadeysa xoolaha la keeno Suuqa.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay wadaan howlgallo lagu baadigoobayo kooxihii ka dambeeyay Miinadaasi dhulka lagu aasay.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxaasi, waxaana ay sheegeen in ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Buurhakaba.


