Waxaa hoos u dhac balaaran uu ku yimid Qiimaha sarifka lacagta Dollarka ee suuqyada Magaalada Muqdisho, sida ay Risaala u sheegeen qaar ka mid ah dadka ganacsatada ah.
Aadan Dhaqtar Cali oo ka mid ah ganacsatada sarifta lacagaha Dollarka ah ayaa Risaala u sheegay in maalmihii dambe uu hoos u dhac ku imaanayay sarifka lacagaha Qalaad.
Waxa uu sheegay Ciidamada iyo shaqaalaha kale ee Dowladda Federaalka uu Madaxweynaha cusub u balan qaaday in uu mushaar siinayo, taasina ay sabab u tahay isbedelka ku yimid sarifka.


