DHAGEYSO WAREYSI: Guddoomiye Beyle uu kaga hadlayo Doorashada Madaxweynaha

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan Doorashada in ay ku dhacdo nidaam hufnaan iyo cadaalad ay ku dheehan tahay.

Waxa uu sheegay in laga feejignaanayo musuq maasuq iyo wax is daba marin ka dhaca codadka ay dhiibanayaan xubnaha Golaha shacabka iyo xubnaha Aqalka Sare ee Dalka.

Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay aad uga taxadirayaan Guddigooda in Doorashada ay musuq ka dhacdo, wuxuuna tilmaamay heerkii ugu sareeyay ee Cadaalada ay Doorasho Dalka kaga dhacdo in ay ku saleyn doonaan.