Ciidamada Nabad Suggida Galmudug ayaa Saaka Markale xoog kusoo furtay 8 badmaax oo u dhashay dalka India ka dib howlgal xooggan oo ay ka fuliyeen degaano hoos yimaada degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Gudoomiyaha degmada Hobyo Cabdulaahi Axmed Cali Faat oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Ciidamada ay xoog kusoo furteen Ajaanibtaasi oo ay haysteen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.
Howlgalka ayaa dhacay Saakay Aroortii , waxaana Ciidamada Ammaanka sidoo kale ay soo qabteen 4 ka mid ah Burcaddii haysatay Ajaanibta.



