Gudoomiyaha degmada Ceelbuur ee maamulka Galmudug oo Wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa beeniyay Wararka sheegaya in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan degmada Ceelbuur oo ay Saddex sano ka hor ka qabsadeen Shabaab.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidanka Itoobiya aysan ka baxaynin Ceelbuur laakiin ay jiraan isbadel halkii sano mar lagu sameeyo ciidanka Joogga Ceelbuur.
Waxaa uu xusay in ciidamo badan oo ka tirsan AMISOM in ay kusoo wajahan yihiin degmada Ceelbuur.


