DHAGEYSO WAREYSI: Doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa maalinkii labaad ka socota Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Deegaanada Koonfur Galbeed.

Goobta ay ka socoto Doorashada Aqalka Hoose ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku sugan Guddiga Doorashooyinka Maamulka Koonfur Galbeed Heer iyo xubno kale, waxaana Doorashaooyinka Aqalka Hoose ay u socdaan si habsami leh.

Wariyaheena Siid Cali Muuse Maxamed oo Magaalada Baydhabo ku sugan ayaan arrimahaasi wax ka weydiinay.