DHAGEYSO WAREYSI: Dil xalay ka dhacay Baydhabo

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dil xalay ka dhacay xaafada Mursal ee Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, sida uu soo sheegayo Wariye halkaasi ku sugan.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa ka dambeeyay dilka Haweeneydan, waxaana ay ku dileen xaafada Mursal ee Magaalada Baydhabo, intaasi kadib Dableydii ayaa isku dayday in ay baxsadaan balse saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen raggaasi.

Haweeneydan la dilay oo aheyd Ganacsato ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xamarey, waxaana si weyn looga yaqiinay Magaalada Baydhabo, sida ay inoo sheegeen Dad deris la’ah Marxuumada la dilay.

Wariye C/qaadir Diida oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaan arrimahaasi ka wareysanay.