Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Faraamo) ayaa xalay xarrunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya casho sharaf ugu sameeyay xildhibaanada Baarlamanka, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo marti sharaf kale.
Casuumaadan ayaa waxa ay ka dhigneyd in Madaxweynaha uu xildhibaanada Golaha shacabka uga mahad celinaayo ansixinta ay ku meel mariyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.
Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Waxaan idin kaga mahadcelinayaa in aad siiseen codka kalsoonida Ra’iisul Wasaare Mudane Xasan Khayre, iyada oo aan qofna diidin, qofna ka aamusin. Taasi waxay muujinaysaa in ay bilaabatay midnimadii dadka Soomaaliyeed.”
Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay dowladdiisu ka shaqeyn doonto dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, ilaalinta amaanada loo dhiibay, caddaalad bulshada wada gaarto iyo in loo naxariisto dadka saboolka ah.
Ugu dambeyntii siyaasiyiintii iyo waxgaradkii ka soo qeyb galay kulanka casho sharafta ahaa ayaa waxa ay sheegeen in ay la shaqeyn doonaa Dowladda cusub, sidoo kalena ay mar walba garab taagnaan doonaan.



