DHAGEYSO WAREYSI: Dagaal Culus oo maanta ka dhacay Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya  degaanka Labi Caano oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa  sheegaya  in Maanta halkaas uu ka dhacay dagaal beeleed .

Degaanka Labi Canaao ayaa waxaa uu ka mid yahay degaanada hoos yimaada Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa la sheegaya in uu u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed wada dega degaanka Labi Caano.

Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhimatay 10 kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay idaacadda Risaala u sheegeen dad goobjoogaal ah oo ku sugan gobolka Galgaduud.

Wariye ku sugan Dhuusamareeb oo lagu magacaabo Maxamed Qadar ayaa Risaala uga waramay Xaaladda degaanadii Maanta lagu dagaalamay.