Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane, Bashiir Ciise Cali si wax looga weydiiyo sida ay ku dhacday in Bankiga Dhexe laga xado lacag gaareysa $ 530,000.
Xidlhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in lacag cadadaas dhan in Bankiga laga xado.
Wuxuu sheegay in dhowaan Gudoomiyaha Bankiga Dhexe uu hor imaan doono Xildhibaanada Baarlamaanka si loola yeesho la xisaabtan dhab ah.


